Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta maamulka Gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa maanta xarigga ka jaray xafiiska Ururka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo ah xafiis ka shaqeyn doonna horumarinta Kubadda Cagta Gobolka Banaadir.
Munaasabadda Xarig-jarka waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino), Guddoomiye ku-xigeenka Isboortiga gobolka Banaadir, guddoomiyaha ururka kubadda cagta Gobolka Banaadir, agaasimeyaal iyo xubnaha ururka kubadda cagta Gobolka Banaadir.




























