Wafdi ka socday Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah oo ay qeyb ka ahaayeen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Sweden ayaa maanta booqday Puntland, iyagoo la kulmay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani, Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad-Goboleed iyo bulshada rayidka ah, waxa ayna kala hadleen qodobbo ay ka mid yihiin doorashooyinka maxalliga ah iyo tan heer federaal, in ay ahaato saaxada siyaasaddu mid furan iyo arrimo kale.














