Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Somalia ayaa saanad ciidan kala wareegtay dowladda Mareykankan, waxaana la sheegay in taageeradan ay tahay mid lagu xoojinayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in taageeradan ay kaalin weyn ka qaadanayso ciribtirka Al-shabaab.
“Hub iyo saanad ciidan oo isugu jirta hub iyo rasaas ayaan kala wareegnay dowladda Mareykanka, kuwaasoo muhiim u ah dagaalka aan Khawaarijta kula jirno,” ayuu yiri wasiir Jaamac.
Sidoo kale, taliyaha ciidamada xoogga Jen. Odawaa Yuusuf ayaa sheegay in Mareykanka ay naf iyo maalba u hureen, tanna ay qayb ka tahay kaalamada Mareykanka uu u fidinayo Soomaaliya.
“Waxaan maanta dowladda Mareykanka kala wareegnay saanad ciidan oo qeyb ka qaadaneysay ciribtirka Khawaarijta,” ayuu yiri Jen. Odawaa oo intaas ku daray in saanaddan ay qayb ka qaadanayso dhismaha ciidamada xoogga dalka.
Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaadhigga Somalia ayaa sheegay in dhawaan lasoo afjari doono kooxaha nabadda-diidka ah ee dhibaatada ku haya ummadda Soomaaliyeed.