Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee 15-ka May awgeed waxa uu ubax-dhigay taallada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobonimo u dirirka ahaa ee SYL.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabadda ubax-dhigga xuska 15-ka May oo ah maalinta asaaska dhallinyaradii gobonnimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha XFS, wasiirka dhallinyaradda XFS, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.




















































