Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmooyinka Xamarweyne, Xamarjajab iyo Waaberi, isagoo warbixinno ka dhageystay guddoomiyeyaasha saddexda degmo.
Kormeerka shaqo ayaa waxaa guddoomiye ku xigeenka ku wehliyay agaasimeyaasha; xiriirka degmooyinka, arrimaha diinta iyo warbaahinta, waxaana kormeerka uu salka ku hayay u kuur-gelidda amniga, nadaafadda iyo fulinta awaamiirta iyo go’aannada kasoo baxa maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyeyaasha saddexda degmo oo ay wehliyaan xubnaha la shaqeeya ayaa warbixin ka siiyay guddoomiye Yabooh xaaladda amniga degmooyinka ay maamulaan, horumarrada ay ku tallaabsadeen iyo caqabadaha jira.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Yahooh ayaa markii ay booqashooyinka u soo dhammaadeen waxa uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta degmada Waaberi isagoo sheegay ina aan loo dulqaadan doonin is-barbar-yaac oo guddoomiyaha degmada lala shaqeeyo, lana fuliyo awaamiirta soo baxda, in cid walba oo guri ka dagaysa degmada lala socdo iyo in aan la aqbali doonin in degmada wax lagu dhex dilo.