Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay ciyaartoyda xulka G/Baandir guusha ay ka gaareen Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la dheeleen dhiggooda Galmudug,isagoona ku boggaadiyay xiddigaha Galmudug ee hantay kaalinta Labaad ciyaar wanaagga ay soo bandhigeen.
“Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah. Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran”.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Ciyaartoyda Xulka gobolka Banaadir guusha ay ka gaareen Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la dheeleen dhiggooda Galmudug, wuxuuna si guud u bigaadiyay dhammaan kooxihii ka qeybgalay tartanka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in tartamada nuucaani oo kale ah ay yihiin kuwa ka shaqeeya Nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayna Xukuumadda dhiiri gelineyso.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Kooxda Kubbadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Kubbadda Cagta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, Waxaan kaloo ku bogaadinayaa kooxihii tartanka ka qeyb galay ciyaar wanaaggii ay muujiyeen, Waxaa ammaan mudan intii ka shaqeysay qabanqaabada koobkan xiisaha badnaa iyo taageereyaashii dhiirrigalinta la garab joogay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.
Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul Wasaare Rooble oo labaduba ku sugan caasimada dalka ayaan tegein garoonka ciyaaraha ee Eng Yarisow oo ciyaaraha maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ay kumanaan ruux u daawasho tegayeen.













