Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magalada muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeybgalay munaasabad balaaran oo lagu xusayay 77 sano guuradii ka soo wareegtay sas aaskii ciidmada Booliska Soomaaliyeed.
Gudoomiye Cumar Filish ayaa marka hore u hambalyeeyay ciidanka boliiska Soomaaliyeed, xaasaskooda iyo caruurtoda, isaga oo xusay in maanta ay u tahay maalin ku weyn guud ahaan quluubta Shacaabka Soomaaliyeed, gaarahaana ciidanka boliiska oo 77 jisaday.
Gudoomiye Cumar ayaa bogaadiyay shaqada culus ay ciidanka boliiska u hayaan umadooda, ayana habeen iyo maalin u taagan yihiin sugidda amniga dalka.
Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa dhinac socday maunaasabad kale oo darajooyin lagu gudoomsiinayay saraakiil dhawaan dalaacad loo sameyay.










