Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula afuray qaar ka mid ah dadka naafada ah iyo muhaajiriinta Siiriyaanka ah ee ku nool Muqdisho
Munaasabadda afur wadareedka ah ee ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qayb-galay wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xildhibaan Cabdikariin Cabdow Xaydar, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), xoghayaha guud ee maamulka G/Banaadir Feysal Carraale Afrax, guddoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood iyo agaasimeyaal.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Yuusuf Madaale ayaa ugu baaqay maamulada degmooyinka iyo deegaanada in ay ka war-hayaan dadka danta yar ee ku nool degmooyinka ay maamulaan si loo kaalmeeyo oo inta aan afuri karin wax loo gaarsiiyo. Dhinaca kale ganacsatada iyo dadka Alle wax u dhiibay ayuu ugu baaqay in ay gacan ka geystaan afurinta dadka danta yar.




















































