SAWIRO: Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay waddo laami ah oo laga dhisayo deegaanka Garasbaaleey

0
391

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo jidka mara suuqa deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir, waxaa dhagax-dhiggan goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.

Dhismaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka suuqa deegankan ayaa ah mid ay wada-sugayeen maamulka iyo bulshada reer Garasbaaleey, maadaama isticmaalka waddadan lagu qabay dhibaato la xariirta burbur iyo dayac-xumo ballaaran.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay xoojiyaan isku-tashiga lagu horumarinayo dib u dhiska iyo bilicda magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here