Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Mohamed Ahmed Amiir ayaa booqasho ku tagay xarunta Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle ee degmada Kaaraan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay, Sheekh Jire Sheekh Cali Cabdulle, Culumaa’uddiin iyo qaybaha bulshada.
Duqa Muqdisho ayaa xaruntan u booqday si uu u dhiirrigeliyo hawlaha muhiimka ah ee lagu qabto Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle oo ay ugu horreeyaan barashada culuumta Islaamiga iyo faafinta Diinta Islaamka, maadaama Mowlaca uu yahay meel ay ka aflaxeen arday fara badan iyo culumaa’uddiin door ka qaata barista iyo faafinta Diinta Islaamka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. Mudane Maxamed Amiir iyo Malaaq Cali Malaaq Maxamed ayaa maamuus aad u sarreysa loogu sameeyay Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle, iyada oo culummada ay halkaas ugu duceeyeen guud ahaan dadka iyo dalka Soomaaliya.




























