Maamullada degmooyunka Hawlwadaag iyo waaberi oo uu wehliyo taliyaha saldhiga booliiska Hawlwadaag, ayaa kormeeray iskuullo ku yaalla degmooyinkaas oo ay imtixaanka fasallada 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo maanta si rasmi ah u furmay.
Guddoomiyeyaasha Hawlwadaag, mudane Bashiir Cabdi Maxamed iyo Waaberi, mudane Maxamed sayid Cali oo hadal u jeediyay ardayda ayaa ku boorriyay inay si nabad ah imtixaanka ku galaan, waxayna ka digeen inay dhacaan falal aan amniga u wanaagsanayn, iyagoo ardayda imtixaanka u fariistay u rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan.
Sidoo kale, Taliyaha saldhigga booliiska degmada Hawlwadaag, Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Cali, ayaa isagana ka sheegay goobta in ciidammo loo xulay ay ilaalin doonaan goobaha degmada ee imtixaanka lagu galayo, isaga oo ku boorriyay macallimiinta Imtixaanka ilaalinaya in wixii caqabad ah oo ay la kulmaan ay ku wargeliyaan ciidamada loo xil-saaray inay sugaan amniga goobaha lagu galayo imtixaanka.
Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah uga furmay maanta imtixaanka fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir, waxaana u fariistay arday tiradoodu gaarayso; 35,307 oo ay ku jiraan arday baahiyaha gaatka ah qaba. Waxaana ardaydan ay 19,766 oo ka mid ah yihiin wiil, halka 15,541 ay yihiin gabdho, Waxaana imtixaanka xarigga ka jaray ku-simaha guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).































