DAAWO: Duqa Muqdisho oo kormeer ku tagay taliska ciidanka ilaalada deegaanka Xamar lana dardaarmay: SAWIRRO

0
602

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay taliska ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, iaaga oo halkaas salaan-sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar, G/sare Maxamed Carabow Cali iyo taliyaha hawlgelinta ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar G/lle Sharma’arke Caddoow Tuuryare, iyaga oo ku wareejiyay Duqa Caasimada galka cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiray ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Ugu dambwyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa kula dar-daarmay qaybaha kala duwan ee ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar iyo saraakiishooda in ay dardar-geliyaan shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ugu horreyso dakhli arurinta, nadaafadda iyo bilic soo celinta Caasimadda, ilaalinta anshaxa suubban iyo adeegyada kale oo ay uga fadhiyaan bulshada ku nool Caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here