Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daahfuray Imtixaanka Fasallada 8-aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
248

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir oo ay u fariistay 35,307 arday oo ka kala tirsan 656 iskuul oo ka mid ah dugsiyada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Yuusuf Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in ardayda maanta imtixaanka u fariistay ay tiradooda u kala qaybsanto 19,766 wiil iyo 15,541 gabdha ah oo ay qaar ka mid ah yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qabo, kuwaas oo si guud ugu fariistay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada gobolka Banaadir, waana sanadkii 5-aad oo maamulka gobolka Banaadir uu qaadayo imtixaankan.

Ugu dambeyn, Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ardayda maanta u fariistay imtixaanka u rajeeyay natiijo wanaagsan oo wax ku’ool ah, isaga oo sidoo kale sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu dhiirri-gelinayo fursada lagu horumarinayo waxbarashada Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here