Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu soo bandhigay qiimeynta waxyeellada iyo khasaaraha ka dhashay roobabkii deyrta (EL-NINO).
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in warbixintan oo laga soo ururiyay gobollada dalka oo dhan ay muhiim u tahay sidii loo taageeri lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabkii deyrta.
Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxa kasoo qayb-galay ma’suuliyiin ka kala socotay xukuumadda, xubno matelayay Dawlad-goboleedyada iyo saaxiibbada beesha caalamka.















