Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday Ciidamada Soomaaliyeed oo lagu tababarayo Xerada Ciidamada TurkSom: SAWIRRO

0
272

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee ciidanka qalabka sida ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta booqasho ugu tagay ciidanka Soomaaliyeed ee ku jira kuliyadda tababarka TurkSom, waxa uuna intaa raaciyay in ciidanka qalabka sida loo dajinayo hal manhaj oo mideysan taasi oo xoojineysa gudashada waajibaadkooda.

Sidookale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dalka ayaa saraakiisha iyo ciidanka kula dardaarmay in ay yihiin rajada dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin, isla markaana ay u diyaargaroobaan ciribtirka Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

Mudane Xamsa, ayaa sheegay in dowladdu abuureyso hey’ad u xilsaaran daryeelka agoonta ciidamada qalabka sida, isla markaana maalin qaran loo asteyn doono sanad walba maalinta shuhadada.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga, oo si weyn u xoojisay taageerada isugu jirta qalabeynta iyo tayeynta ciidankeena, gaar ahaan dhinaca caafimaadka militeriga iyo gargaarka xaaladaha deg-degga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here