Duqa Muqdisho oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay amniga iyo qaadiska Imtixaanka Shahaadiga ah

0
241

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magalaada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa maanta shir Guddoomiyey kulan looga hadlayey dardargelinta amniga Caasinadda, u diyaar garowga Imtixaanka Shahaadiga oo dhowaaw bilaabayaa iyo adkeynta wada shaqeynta Maamulada Degmooyinka iyo Laamaha amniga.

Kulanka oo ka dhacay xarunta degmada Shibis, waxaa goobjoog ka ahaa ku xigeenada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliaya Guud ee qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Taliyaasha Saldhigyada Muqdisho, Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir iyo qaar ka mid ah Agaasinayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here