Mbappe oo la shaaciyay kooxda uu jecel yahay inuu ku biiro haddii uu u wareego Premier League-ga: SAWIRRO

0
545

Warbixin cusub oo soo baxday ayaa lagu sheegay in weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe uu ku biiri lahaa Arsenal haddii uu horyaalka Premier League u wareegayo.

Mustaqbalka Kylian ayaa ah mid mar kale cirka ku shareeran, Real Madrid ayaa ah kooxda muddada ugu dheer xiisaynaysay xilli ay kooxda PSG meel cad iska taagtay xaaladiisa.

Cayaaryahan Mbappe ayaa u sheegay PSG inuu kooxda ka tagayo marka uu sanadka uga hadhsan heshiiskiisa dhamaado, taas oo ka dhigan inay kooxda Paris xiddiga ugu qiimaha badan kubadda cagta ay waayi doonto.

Lama filayo inuu horyaalka Premier League u wareego, balse haddiiba ay dhici lahayd ayaa la sheegay in 24 sano jirkan la dhacsan yahay taageerana u yahay tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta.

Wargeyska The Independent ayaa war uu qoray lagu xusay in Arsenal iyo PSG aysan wax xiriir ah samayn iyadoo ciyaaryahanka loo arko mid ka baxsan heerka dhaqaale ee Gunners.

Tababare Arteta ayaa xilli ciyaareedkii hore booska labaad geeyay Arsenal FC, isagoo culays saaray kooxda awoodda badan ee Manchester City.

Dhanka kale, Mbappe ayay warbixintu sheegaysaa inuu taageere u yahay sida uu Arteta u horumarinayo kooxdiisa, isaga oo sidoo kale ay ka gadantay aragtida ah inuu kooxda ka caawiyo hanashada horyaalka.

Ugu dambeyn, kooxda Real Madrid ayaa iyana doonaysa inay xagaaga dambe kula wareegto Kylian si xor ah, halka PSG marka uu qandaraaskiisu dhamaado ay doonayso inay suuqa dhigto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here