Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ka socoto Xaflad lagu Xusayo Sanad-guurada 64-aad ee Xorriyadda Somalia: SAWIRRO

0
592

Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa ka socda munaasabad lagu xusayo 64-guuradii kasoo wareegtay markii gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska, waxaana munaasabaddan ka qaybgalaya mas’uuliyiin kala duwan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Caasimadda ay si weyn ugu diyaar-garoobeen xuska munaasabadda sanadkaan ee 64-aad ee xorriyadda dalka.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta munaasabadda ka qayb-galaya waxaa ka mid ah; wasiirro ka tirsan XFS, xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka qalabka sida, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, agaasimayaal iyo marti-sharaf ay ku jiraan wax-garadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo weli socota ayaa waxaa lagu wadaa in marka la gaaro 12:00 habeennimo la saaro calanka Soomaaliya, waxaana munaasabaddan ay qayb ka tahay xuska maalmaha xorriyadda oo lagu guda-jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here