Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, MR Alberto Vecchi, iyagoo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga safaarada Talyaaniga ee Muqdisho iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka u dhaxeeyay Duqa Magaalada Muqdisho iyo safiirka Talyaaniga ayaa waxaa kaloo lagu soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska xarumaha danta guud, sida Isbitaalada, M.C.H-yada, waddooyinka muhiimka ah oo ay horey u dhistay dowladda Talyaaniga, xarumaha farsamada gacanta, maareenta barakacyaasha iyo dib u soo celinta xiriirka magaalooyinka Muqdisho iyo Liberty.














