Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay taallada dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh o muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah halgameyaashaas, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.
Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa waxay xorriyadeeda ka qaadatay gumeystaaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo 1960-kii. Waxaana xalay lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya xorowday.






















