Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryenta Xukuumadda Soomaaliya Mdane Maxamed Adan Macalin (Soomaali).
Labada Masuul ayaa kawada hadlay dardar gelinta mashaariicda Horumarineed ee uu Baanka Aduunku ka wado Magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa labada Masuul ku wehliyey Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Caana-Boore) iyo Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mdane Xiireey Axmed Rooble.














