Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday inay ka laabatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland

0
260

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa go’aan ku gaartay inay baabi’iso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay maamulka is-magacaabay ee Somaliland, sidaas waxaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Arbacada maanta ah xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Waxa aan la hadalnay dalal badan oo ay ka mid yihiin; Ingiriiska iyo kuwa la isku yiraahdo G7, mana jirto sabab aan Somaliland ugu aqoonsanno dal ka madax-bannaan Somalia inteeda kale. Iyada oo iska diidday inay u aqoonsan tahay 26 Juun inay tahay markii Somaliland ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa kaloo warkan lagu sheegay in aysan Dowladda Itoobiya taageereyn wax aan waafaqsanayn shuruucda caalamka, mana jirto ayaa lagu yiri qoraalka wax heshiisyo mustaqbal ah oo ay la gashay maamulka Somaliland.

Dhanka kale, Bayaanka Xukuumadda Itoobiya ayaa lagu yiri: “Waxaanu aamin-sannahay in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya inteeda kale, ayna isfaham darrada siyaasadeed ee u dhexeysa xalliyaan iyagoo ah Qaran midaysan.

Ugu dambeyn, Go’aanka ay ku dhawaaqday Itoobiya ayaa imaanaya kaddib markii dowladda federaalka Somalia ay ku gacan-sayrtay heshiis aan xalaal ahayn oo billowgii sannadkan dhex-maray Dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaasoo salka ku hayay in la siiyo Itoobiya qayb ka mid ah badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here