Guddoomiye Madaale oo Daah-furay Mashruuca Nagaad ee Hirgelinta Naqshadeynta dhismaha Bullaacadaha: SAWIRRO

0
395

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jamaac ayaa maanta daah-furay mashruuca Nagaad ee hirgalinta nash-qadadeynta dhismaha bulaacadaha biya-mareenada Caasimadda, waxaana uu daahfurkan ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Wasiirka wasaarada hawlaha guud ee XFS, Mudane C/salaan Cabdi Cali, guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, agaasimaha hay’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mr. Al’aa iyo mas’uuliyiin kale ayaa goob-joog ka ahaa daahfurka mashruucan

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa uga mahad-celiyay hay’adda lacagta adduunka ee World Bank iyo UNOPS, sida ay uga soo jawaabeen codsiga la xariira sidii xalwaara looga gaari lahaa dhismaha bulaacadaha iyo maareeynta Biyaha Roobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here