Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XF Somalia, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga miro-dhaliyo hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Somalia, isaga oo ka hadlay maalinta labaad ee barnaamijka Aqoon is-weydaarsiga Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda oo ka socda magaalada Muqdisho.
Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday sida lagama maarmaanka u tahay in aynu si xawli ah uga shaqayno sidii dalkeena aynu ugu jeexi lahayn jiho cusub oo la jaanqaadaysa nidaamka Tikloonajyada casriga ee dunidu u guurtay, taasina ay ku imanayso dadaal iyo wakhti dheeraad ah.
Shirka ayaa maanta xoogga lagu saarayaa barnaamijka dayn cafinta kadib halka loo jihaysan doono, u hogaansanaanta sharciga hantidhowrka, qorshaha horumarinta Qaranka iyo hannaanka dhaqaale iyo qorshaha fog ee 2060 Soomaaliya.
















