Duqa Muqdisho oo kulan la Qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
38

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah guddiyada ganacsatada suuqyada magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane, Feysal Maxamed Xaashi ayaa looga hadlay hannaanka maareynta canshuuraha laga qaado ganacsatada gobolka Banaadir, iyada oo warbixin iyo talooyin laga dhageystay ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Maxamed Amiir ayaa boogaadiyay doorka ganacsatada ee ka qayb-qaadashada koboca dhaqaalaha iyo taageerida dowladda, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal, isaga oo madasha ka sheegay in uu ka shaqeyn doonno is waafajinta hannaanka canshuuraha wasaaradda maaliyadda iyo talooyinka ay soo jeediyeen ganacsatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here