Guddoomiye Ciise Guure oo Daah-furay Madasha Horumarinta Ganacsiga Muqdisho: MUUQAALLO

0
347

Gudoomiye ku-xigeynka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka furay Muqdisho Madasha Hormarinta Ganacsiga Muqdisho, kaasoo looga hadli doono horumarinta ganacaiga caasimadda dalka iyo loo maal-gashan lahaa.

Mudane Ciise Guure ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay inay shirkaan uga gol-leeyihiin sidii indhaha ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee ajaanibta ah ay ugu soo jeedin lahaayeen sidii ay u maal-gashan lahaayeen dalka, maadaama xaaladda amni ay aad u wanaagsan tahay.

Sidoo kale, Agasimaha ganacsiga Maamulka Goalka Banaadir, Sakariye Nuur Xasan oo madasha hormarinta ganacsiga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in madashan iyo ujeedka aga leeyahay ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa ganacaiga caasimadda dalka iyo in lasoo bandhigo fursadaha maal-gashi ee ka jira, si loo dhiirri-geliyo kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Maamulka Gobalka Banaadir Mudane, Muxudiin Dalxa ayaa dhankiisa sheegay in madasha hormarinta ganacsiga ay shaqo abuur u sameynayso dhalinyarada Soomaaliyeed, taasoo qayb ka qaadamaysa in dalka uu u jiheysto in ganacsigiisa uu noqdo mid dunida ka dhex-abuura tartan iyo baratan weyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here