Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa farriin xasuusin ah u diray Musharrixiinta xilka Madaxweynaha ee Maanta ku tartamaya doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Guddiga ayaa la xasuusiyay musharrixiinta Madaxweynaha inay teendhada Afisiyooni kasoo galaan dhinaca wadada MADIINA GATE.
XUSUUSIN MUHIIM AH.
Waxaa la ogeysiinayaa dhamaan murashaxiinta Madaxwaynaha JFS in MADINA GATE ayaga oo keli ah loogu talo galey in ay ka soo galaan, halkaasna ay ka soo galbin doonto ATMIS ayadoo isticmaaleysa gawaari VIP gaar ah













