Doorashada xilka Madaxweynaha Somalia oo Maanta dhaceysa & Bandow ka dhaqan galay Muqdisho

0
285

Waxaa lagu wadaa in Saacadaha soo socda ee Maanta ah in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho inay ka dhacdo doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartami doonaan musharrixiin dhowr ah.

Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Guud ee Caasimadda, waxaana dhaqan galay Bandow ay kusoo rogeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyada oo Ciidamada dowladda ay hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan oo ay kujirto Mooto Bajaajta.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codeyn doona, waxaana sidoo kale Goobjoog ka noqon doona Goobta doorashada korjoogto lagu casuumay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, waxaana Musharrixiinta Maanta ku tartami doona xilka Madaxwrynaha Soomaaliya oo gaaraya 35 ay kala yihiin.

1: Xasan Sheekh Maxamuud

2: Xuseen Cabdi Nuunow

3:Jamaal Axmed Ibraahim (Tifoow)

4: Mahad Axmed Diiriye

5: Maxamed Cabdiraxmaan Cali

6: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

7: Maxamed Amiin Faarax

8: Maxamuud Daahir Aweys

9: Mukhtaar Maxamed Sayid

10: Nucmaan Sheek Cumar Cismaan

11: Cumar Cabduqaadir Axmed Fiqi

12: Cusmaan Xasan Weheliye (Xasan Bariisc)

13: Ridwan Xersi Maxamed

14: Saciid Ciise Maxamuud

15: Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni)

16: Shariif Sheekh Axmed Sheekh Maxamud

17: Taabit  Cabdi Maxamed

18: Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

19: Cabdi Aadam Hoosow

20: Cabdi Cali Xassan

21: Cabdi Maxamed kuusow

22: Cabbdinaasir Cabdulle Maxamed

23: Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud

24: Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame

25: Cabdiraxman Macalin Axmed Maxamed (Ablaal)

26: Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi

27: Cabduqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

28: Abdulkadir Cosoble Cali.

29: Cabduqaadir Sheekh CaIi Ibraahim (Baqdaadi)

30: Cabdullaahi Cali Axmed (Caddoow Cali Gees)

31: Cabdullaahi Cali Xasan

32: Abuukar Aadan Cabdulle

33: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

34: Bashir Xaaji Cali

35: Xasan Cali Kheyre

Iyo  Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo ah Haweeneyda kaliya ee u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa horay isku diiwaangeliyay oo tartanka ka haray musharrixiinta kala ahaa.

Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdinaasir Cabdulle Maxamed iyo Maxamed Siiriin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here