Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda FS oo Gudoomiyay kulan looga hadlay Qorshaha Isbeddelka Qaranka: SAWIRRO

0
506

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Somalia mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Qorista qorshaha isbedelka Qaran iyo muhiimadda uu u leeyahay xukuumadda.

Hannaanka qorista qorshaha isbeddelka Qaran waa geedi-socod muhiim ah oo xukuumadda ka caawinaya in ay gaarto hadafyadeeda sare ee horumarineed ee lagu hagayo horumarinta dalka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka faa’iidaystaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in xukuumaddu ay sii wadayso dadaalka ay ku horumarinayso dalka, iyada oo adeegsanaysa hannaanka qorshaha isbeddelka Qaran, si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo leh oo ammaan ah.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira dardar-gelinta guddi hoosaadyadda heer farsame iyo heer wasiiro iyo diyaar garowga ku aaddan waxqabadka xukuumadda oo laba sano jirsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here