Horjooge ka tirsan Al-shabaab iyo 8 ka mid ah ilaaladiisa oo lagu dilay gobolka Baay

0
469

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa dilay horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo 8 ka mid ah ilaaladiisa,  kadib markii mintidiinta ay isku dayeen inay weeraraan saldhig ciidan oo ku yaala degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Maxamed Sheekh C / laahi, Abaanduulaha ciidamada XDS qeybta 60-aad ayaa sheegay in ciidanka ay hayeen warbixino sirdoon oo ku saabsan weerar ay doonayeen inay soo qaadaan maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, balse la fashiliyey waqtigii loogu talagalay

“Waxaan dilnay horjoogihii Al-Shabab ee gobolka Baay, Mukhtaar Nuurow iyo 8 kamid ah ilaaladiisa inta lagu gudajiray howlgalka maanta warbixinadii sirdoonka ee ka horeeyay waxay ka caawiyeen ciidamadeena inay feejignaadaan kana adkaadaan isku daygoodii ahaa inay weeraraan saldhigga XDS halkan,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay hub iyo qalab isgaarsiineed kala soo baxeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Kooxda argagixisada ee xiriirka la leh al-Qaida ayaan wali ka hadlin dilka taliyihii ugu sareeyay iyo sideedii ilaaladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here