Duqa Muqdisho oo si Rasmi ah u Daah-furay maanta Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir: SAWIRRO

0
135

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo ay u fariisteen arday gaaraysa 41,639; iyadoona uu yahay sanadkii 6-aad oo uu maamulka gobolka Banaadir si madax-bannaan u qaadayo imtixaanka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in uu kor u qaadi doonno tirada iyo tayada waxbarashada gobolka Banaadir, si ardeyda ay u helaan waxbarasho tayo leh, isagoo dhinaca kale xusay in uu kordhin doonno helitaanka waxbarasho lacag la’aan ah, waxa uuna guul u rajeeyay ardayda maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Sidoo kale, Guddoomiye Muungaab ayaa hambalyo u diray waaliddiintii kusoo dadaalay in carruurtooda maanta ay soo gaaraan heerkan, waxa uuna boogaadiyay hay’addaha amniga ee ku hawlan sugidda amniga goobaha imtixaanaadka.

Ugu dambeyn, Munaasabadda furitaanka imtixaanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, saraakiisha qaabilsan imtixaanaadka iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here