Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ku hawlan xal u helidda dhallinyarada kai shaqeysta Mooto Bajaajta oo awood muuqata ku leh magaalada Muqdisho, dhaqaale badanna soo geliya ayaa maanta la kulmay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS, marwo Fardowsa Cusmaan.
Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulla gobolka Banaadir, agaasimayaasha guud wasaaraddaha maaliyadda XFS, wasaaradda amniga XFS, taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidanka nabad-galyada waddooyinka ayaa diiradda lagu saaray sidii dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta loogu fududeyn lahaa adeegyada ay ugu baahan yihiin dowladda, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal duruufo kala gedisan ku shaqeeya.
Ugu dambeyn, madaxda shirka ka qeyb-gashay ayaa garowshiyo ka muujiyay tabashada dhallinyarada ku shaqeysata mooto Bajaajta, iyadoo la isla qaatay in sida ugu habboon loogu fududeynayo adeegyada ay wadayaasha mooto Bajaajta ugu baahan yihiin dowladda.















