Rooble oo soo kormeeray ciidanka ku sugan Xerada Ballidoogle+SAWIRO

0
583

Raysal Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudne Maxamed Xuseen Rooble  ayaa howlo kormeer ah maanta ku tagay garoonka Ballidoogle ee gobolka Sh/Hoose.

Mr Rooble Mudada uu ku sugnaa Xerada waxuu soo indha indheeyay qeybha iyo dhismayaasha ay xerada ka kooban tahay, isagoo xusay in xeradu ay tahay mid u diyaarsan howlo militari.

Sidoo kale raysul wasaaraha ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidanka Kumaandooska DANAB iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan xerada.

“Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan¬† Amniga Qaranka. Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan” ayuu yir Rooble.

Booqashadaan ayaa ku soo beegmeysa xili ay dowladda Mareykanka sheegay inay ciidamadeeda kala soo baxeyso Soomaaliya, balse ay sii wadi doonaan howlgaladda ka dhanka ah Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here