Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir-guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, saraakiisha qaybta guud ciidanka booliiska ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.
Shirkan oo ka dhacay xarunta qeybta guud ee ciidanka booliiska ee Gobolka Banaadir, isla markaana ujeedkiisu ahaa isla-xisaabtan iyo xogwareysi ayaa lagu saaray diiradda dardar-gelinta sugidda Amniga Caasimadda, gaar ahaan xoojinta wada shaqeynta booliiska iyo Mamulada degmooyinka, ka hortagga dhagarta argagixisada, la dagaallanka kooxaha burcadda ah, ciyaal-weerada, iyo ciribtirka maandooriyaha.














