SAWIRRO: Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo soo xiray aqoon-is-weydaarsi socsay afar casho

0
182

Ku-simaha duqa Muqdisho ahna guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, mudane Ciise Maxamuud Guure aya si rasmi ah u soo xiray aqoon-is-weydaarsiga xog ururiyeyaasha ee hannaanka khariidadeynta khilaafyada ka dhaca gobolka Banaadir.

Munaasabadda xiritaanka ayaa waxaa ka soo qayb-galay xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, mudane Feysal Carraale, agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha fudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, mudane Cayduruus Macallin Xasan iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Aqoon-is-weydaarsigan oo socday muddo afar cisho ah ayaa waxaa loo qabtay hawlwadeenno ka kala socda degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here