WASIIIR FIQI: “Tallaabada ay Qaadday UK waa mid aan sinna loo aqbalin karin oo faragelin ku ah Midnimada Soomaaliya”

0
336

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si caro leh uga jawaabay hadal kasoo baxay safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in UK ay ku faanaydo inay taageerto hay’adda baarista miinada ee TheHALOTrust ee Soomaliya iyo Somaliland sida ay warkooda ku sheegeen.

Wasiir Fiqi oo arrintan ka jawaabay ayaa yiri: “In hay’ad magaceedu mid ahaa in loo kala bixiyo laba magac, waa wax aan sinna loo aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay weerar bareer ah oo lagu soo qaday madax-bannaanida, qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.”

Britain ayaa waxay ka mid tahay dalalka sida gaarka ah ula macaamila Somaliland oo qayb ka ah Somalia, waxaana hadalka wasiir Fiqi uu caddeyn u yahay sida ay dowladda federaalka uga go’an tahay inay ka hortagto wax walba oo kala qaybinaya midnimada iyo wadajirja Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here