Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda DanQaran oo ka Qayb-galay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada: SAWIRRO

0
509

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qayb-galay Shirka Amniga iyo Isbeddelka Cimilada oo looga hadlayey sida ay isugu xiran yihiin arrimaha cimilada iyo amniga.

Mudane Saalax ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay fahamka sida uu isbeddelka cimiladu saameyn toos ah ugu yeelanayo amniga, gaar ahaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Wuxuu si gaar ah uga hadlay abaarta, daadadka iyo barakaca oo si joogto ah u saameeya bulshooyinka, taasoo sababaysa in khilaafyo soo ifbaxaan.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay dedaal xoogan ku bixineyso in la abuuro siyaasado waara oo wax ka qabta halista cimilada, si loo ilaaliyo amniga dalka. Isaga oo ku boorriyey dhinacyada in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo iskaashi heer qaran iyo heer caalami ah, si loo abuuro xalka mustaqbalka ee arrimahan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay dadaalka hey’adaha caalamiga ah sida UNDP oo ka shaqeynaya sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo sidii amniga iyo deegaanka loogu xiri lahaa siyaasad cad oo midaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here