Wafdi ka socday Hay’adda IOM oo soo gaaray Muqdisho

0
334

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay weheliso Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Marwo Zahra Cabdi Maxamed, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Socdaalka iyo Muhaajiriinta uqaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM oo uu hogaaminayay Mudane Maxamed Abdiker oo ah Agaasimaha Hay’adda Bariga iyo Geeska Afrika, waxeyna ka wada hadleen Istaraatijiyada cusub ee IOM, xaaladda barakacayaasha iyo qaxootiga.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in lasii xoojiyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeyo Wasaarada iyo IOM iyada oo diirada lasaarayo ka sgaqeynta dhinacyada nabad-dhisidda, yaraynta faqriga iyo sidii xalal waara loogu heli laha arrimaha barakacayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here