Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Carafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka Alle uga baryay in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.
Ugu dambeyn, Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan ayna is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul.




























