VIDEO: Duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay xaflad lagu soo Gunaanaday Tartan Aqooneed: SAWIRRO

0
270

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Ra’iisul.Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda xiritaanka tartan aqooneedka dugsiyada sare ee Gobolka Banaadir ee bisha Ramadaan oo uu qabtay Telefishinka Universal.

Munaasabaddan waxaa goob-joog ka ahaa xildhibaanno, wasiirro, guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi-gelinta maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey dugsiyadii tartanka ka qeyb galay ee muujiyey dadaalka dheeriga ah, soona bandhigay aqoontooda iyo wajiga aqooneed ee qurxoon ee dalkeennu uu leeyahay.

Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in loo tartamo waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda, si meesha looga saaro in qofku uu danihiisa ku gaaro musuq-maasuqa iyo qabyaalad.

Tartanka oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo arday oo ka socotay Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here