Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xarigga ka jaray Xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah: SAWIRRO

0
249

Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray Xarunta daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha deg-dega ah oo lagu soo kordhiyey isbitaalka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Madiina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu hirgalisay xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta kaydka dhiigga oo markii ugu horreysay dib loo hawlgaliyey iyadoo lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, Xarunta gurmadka xaaladaha deg-degga ah iyo dhismayaasha xarumaha kala duwan ee caafimaadka, wuxuuna adkeeyay inay ka go’an tahay dhamaystirka dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka xoogga dalka.

Xaruntan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed ugu gurmadeen musiibadii qaraxii Soobe 2, ayaa ka kooban qeybta bukaanka lagu daryeelo, qeybta dhalmada iyo qeybta xaaladaha deg-degga ah ee lagu daaweeyo dhaawacyada culus waxayna qeyb wayn ka noqon doonta gurmadka xaaladaha deg degga ah.

Ugu dambeyn, Mudane Xamsa Barre ayaa u mahadceliyey Guddiga gurmad Qaran sida ay u maareeyeen dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed isugu gurmadeen isagoo tilmaamay in xaruntan qeyb wayn ka qaadan doonto daawaynta iyo daryeelka ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here