Manchester City oo Rikoodh Cusub u dhigtay Horyaalka Premier League-ga ee Dalka Ingiriiska: SAWIRRO

0
207

Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester City ayaa ku guuleysatay Premier League 2023-2024, middan oo ka dhigan inay Man City ay rikoor cusub u dhigtay horyaalka kooxaha heerka koowaad ee Ingiriiska.

Manchester City iyo tababarahooda, Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in kooxdooda ay tahay midda ugu fiican taariikhda Premier League-ga.

Kooxda City ayaa waxa ay cayaartii ugu dambeysay horyaalka Ingiriiska ee 2023 – 2024 ku garaacday 3-1 kooxda West Ham oo ay kuwada cayaareen garoonka Etihad, waana markii ugu horreysay taariikhda oo koox ka tirsan hiryaalka PL ay koobka ku guuleysato afar xilli cayaareed oo xiriir ah.

Dhanka kale, kooxo badan ayaa qarka u fuulay inay gaaraan mid la mid ah guushan cajiibka ah. Waxayna suuragal u noqon weyday inay natiijadan oo kale gaaraan kooxaha; Huddersfield Town oo saddex sano oo xiriir ah ku guuleysatay koobka PL, kuwaasoo kala ah; 1923-1924, 1924-1925 iyo 1925-1926. Arsenal ayaa iyadana saddex jeer oo xiriir ah koobkan ku guuleysatay; 1932-1933, 1933-1934 iyo 1934-1935. Man United)m ayaa iyana ku guuleysatay koobkan 1982-1983 -1999, 1999-2000 iyo 2000-2001.

Ugu dambeyn, Kooxda Man United ee uu horkacayay, Sir Alex Ferguson waxa ay ku dhawaadeen inay mar kale sameeyaan natiijadan oo kale sanadihii; 2006-2007, 2007-2008 iyo 2008-2009. Si kastaba ha ahaatee, koobkii afraad oo xiriir ah ayaan u suuro-gelin kooxihii isku dayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here