Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Jarnhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay magaalada Muqdihso 27-30 October 2024. Shirka waxaa ka soo qayb-galay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya amniga Qaranka. Goluhu wuxuu ka hadlay ajandeyaal masiiriga ah oo ay ka mid yihiin; la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha Qaranka ce dhinaca aminga, geeddi-socodka dimuqraadiyadeynta iyo xaaladda dhaqaak ee dalka.
Bogaadin: Goluhu waxuu bogaadinayaa sida ay Dowlada Federaalka (DF) u maareysay goobihii ay kala wareegtay ciidamada ATMIS, taasoo caddeyneysa sida DF ay uga go’antahay gaarsiinta isku ftlnaansho dhinac walba ah.
Goluhu waxa uu soo dhaweeyay tallaabada taariikhiga ah ee markabka dalka Turkiga ee Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna, isaga oo ku ammaanay dadaalka dowladda Federaalka Soomaaliya ay gelisay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka dalka.
Baaq: Goluhu wuxuu ugu baaqayaa xubnaha ka macjan in Goluhu uu mar walba diyaar ula yahay wadaxaajood iyo wadahadal lagu soo afiarayo wixii kala aragti duwanaansho ah ee jira.
Qodobada Shirka ka soo baxay: Golaha Wadatashiga Qaran waxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaaladaha aminga, siyaasadda, iyo xaalada bini’aadanimo ce dalka uu marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyada shirarkii bishii December 2022, March 2023, iyo May 2024, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:
- Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuu go’aamiyay in ay lagama maarmaan tahay in is fuliyo heshiisyadii horsy loo galay isla markaana dalka is gaarsiiyo doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhisan nidaamka xisbiyada badan oo ay shacabka Somaliyeed si toos ah wakiiladooda ugu soo doorman.
- Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuu isku raacay in si degdeg ah baarlamaanka federaalka loo horgeeyo sharciyada doorashooyinka, xisbiyada badan iyo guddida doorashada iyo xuduudaha.
- Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuu soo jeediyay iney xukuumadda JFS soo dhamestirto dhismaha Gudida Qaran ee madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha.
- Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuu isku raacay in Gudida Qaran ee madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha uu soo diyaariyo jadwal faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka geedi-socodka doorashada, si shuruucda dalka waafaqsan.
- Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuu isku raacay in doorashooyinku ku qabsoomaan sida soo socota:
- Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa Juun 2025-ka.
- Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda DXDF, waxay dhici doontaa Sebtember 2025-ka.
War-mutiyeedkan ayaa waxaa si wadajir ah u saxiixay
- Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Federaalka.
- Mudane Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka Xukuumadda Federaalka.
- Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
- Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug.
- Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Hirshabeelle.
- Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdishu.













