Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhibaateysan xadka ay wadaagaan Bosnia iyo Croatia

0
1187

Muhaajiriin Soomaali ah ayaa ku dhibaateysan Xero qaxootii oo lagu magacaabo  Lipa ee ku taal xadka ay wadaagaan dalalka Bosnia iyo Croatia, halkaan o ay ka jirto xaalad bini’aadnimo.

Muhaajiriinta ku sugan xerada ayaa ka caabanaya daryeel la’aan iyo go,doon oo aysan mi meel ay u dhaqaaqi karaan xiligaan, waxaa kaloo ay sheegeen inuu jiro qaboow daran, aysan helsan wax ay kaga gaashaantaan, kadib markii uu dab ka kacay xerdii ay ku noolaayeen.

Xerada LIP waxaan imin xerada ku sugan dad gaaraya sedex kun oo qof oo isugu jira Carab iyo Afrikaan ay ka mid tahay Soomaalida.

Hay’adda qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa ugu baaqday dowladaha Midowga Yurub in ay deg deg wax ugu qabtaan xaalada daran ee heysato dadkaasi xilli uu jiro qabow aad u daran.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here