Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Ergay ka socday dalka Sudan una sameeyay Ballanqaad: SAWIRRO

0
314

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay ergeyga ka socday golaha sare ee dalka Suudaan danjire Dafcallah Al-xaaji Cali ayaa la wadaagay sida dowladda Somalia ay uga walaacsan tahay iska-hor-imaadka hubaysan ee ka socda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna ku celiyey baaqii dowladda Somalia ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada-xaajoodyada iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u garab-taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay’adaha dastuuriga ah ee dalka Suudaan, wuxuuna xaqiijiyay in codka Soomaaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ay ku garab istaagayso dowlad-nimada iyo xasilloonida dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here