Baarlamanka Jaamacada Carabta oo si adag uga hadlay damaca gurracan ee Itoobiyo iyo heshiis beenaadkii Muuse Biixi

0
236

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay maanta in ay si cad u diiddan yihiin in faraha lala galo arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyada oo la ixtiraamayo daris wanaagga.

“Baarlamanka Jaamacadda Carabta waxa uu si cad uga soo horjeedaa in lagu xad-gudbo Qarannimada iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, waxa aan Itoobiya ugu baaqaynaa in ay ilaaliso xeerarka caalamka, kuna dhaqanto wada noolaashaha daris wanaagga iyo ilaalinta Qarannimadooda, waana in aanay faraha la gelin arrimaha gudaha dalalka dariska la ah si gobolka xasilloonidiisa iyo amnigiisa loo xaqiijiyo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid aan gorgortan laga geli karin oo qayb ka ah ammaanka Qaranka Carabta, waxa ayna sii raaciyeen in baarlamaanka Jaamacadda Carabta uu diyaar ula yahay Dowladda Federaalka Somalia garab-istaag buuxa si loo ilaaliyo Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Bayaankan ayaa imaanaya iyada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cambaareysay go’aan lama filaan ah oo maanta kasoo baxay ururka IGAD, kaasoo ku baaqay in wadahadal laga furo muranka soo dhexgalay Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo salka ku haya heshiis aan sharci ahayn oo Dowladda Itoobiya ay la gashay Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here