Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay hoggaanada ururka dhallinyarada gobolka Banaadir oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha ururka dhallinyarada, mudane Cumar Cabdiraxmaan Macow.
Kulankan oo uu goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa waxaa warbixin sanadeed lagaga dhageystay hoggaanada ururka, iyaga oo soo bandhigay waxqabadka sanadkan sii dhamaanaya ee 2024-ka, caqabadaha iyo qorshayaasha u degsan sanadka soo socda ee 2025-ka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay hoggaanka dhallinyarada gobolka Banaadir in ay dardar-geliyaan ka qayb-qaadasha nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska, iskuna diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee lagu wado in uu ka dhaco dalka.