Guddoomiye Kuxigeenka A/Bulshadda G/Banadir oo ka Qeyb Gashay Munaasabad lagu Soo Bandhigayay Qorshaha Waxbarashada Qaran ee 5-ta Sano ee Soo Socata+Sawiro

0
368

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta ka qeyb gashay Munaasabad lagu soo bandhigaayay Qorshaha Waxbarashada Qaranka ee 5ta sano ee soo socda, Qorshahan oo soo socday muddo 16,bilood ayaa noqon doonaa midka-hagi doona waxbarashada Dalka 5’ta sano ee soo socota si loo xoojiyo bad-qabka Tacliinta soomaaliyeed.

Wasaaradda waxbarashada oo munaasabadda soo agaasintey ayaa u mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladaha xubnaha Ka ah dowladda Federaalka, waxa ayna ku bogaadiyeen doorka ay ka qaateen qorshaha waxbarashada ee 5-ta sano soo socota lagu hagayo waxbarashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here