Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yahooh) oo ka qayb-galay shir looga hadlayay hormarkii laga gaaray amniga caasimadda intii lagu jiray sanadkan 2023-ka, ayaa sheegay in amniga guud ee caasimadda dalka uu ku yimid iskaashi dhex-maray hay’adaha amniga dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.
Shirka waxaa goob-joog ka ahaa ra’iisul wasaarsha XF Somalia, Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda Golaha BF Soomaaliya, xukuumadda FS, mas’uuliyiin ka socda qaybaha bulshada caasimadda iyo siyaasiyiin qaarkood horay uga soo shaqeeyay laamaha amniga dalka, sida hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka.
Guddoomiye Yabooh ayaa hadalkiisa ku sheegay in uu ammaanayo mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka oo dadaal badan geliyay sidii ay caasimadda dalka u noqon lahayd mid nabdoon, sida hadda ka muuqata magaalo-madaxda dalka, isaga oo sheegay in amniga caasimadda ay xilli walba tahay mid nabdoon, shirar badan oo wax looga qabanayana la qabtay marar kala duwan, hadafkii laga lahaana lagu guuleystay.
Ugu dambeyn, Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu daawaday muuqaallo kala duwan oo lagu sharraxayay horumarradii laga gaaray sugidda amniga caasimadda oo dowladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir ay dadaallo badan ku bixiyeen; laguna guuleystay hadafkii laga lahaa.













