Ra’iisul Wasaare Xamse oo Isbeddel ku Sameeyay Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Somalia: SAWIRRO

0
180

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here